Gudoomiye Jawaari ayaa jawaab celin siiyay xeer ilaaliyaha qaranka. Qoraalka Jawaari oo ka kooban 6 qodod, lana ogeysiiyay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu caddeeyay inay sharciga baal marsan tahay sida xafiiska xeer ilaalinta arrintan u maareeyay.
Jawaari ayaa sheegay in xeer ilaaliyuhu dad aan dembi lagu heyn sharaftooda wax u dhimay. Warqadan oo ka koobneyd Saddex bog ayaa waxa ay ku taariikheysneyd 19-ka bishan December 2017-ka.
Guddiyada Joogtada ayaa shir gaar ah waxa ay ka yeesheen 18-kii bishan warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS