X

Shirka madasha dastuurka oo ka furmeya Garoowe: SAWIRO

Shirka madasha dastuurka ayaa ka furmeya Garoowe. Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.



Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arimaha Dastuurka ee maamul Goboleedyada, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Banaadir ee Arimaha Siyaasadda iyo Amniga, Agaasimaha Guud iyo Lataliyayaal sare oo katirsan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee dawladda dhexe.



“Ugu horeeyn, waxa aan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aadka u qiimaha badan ee na loo sameeyay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan markale soo gaaro Garoowe; waxa aan u nimid Garoowe in aan ka qayb galno shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo Sedexdii bilba mar qabsooma” Ayuu yiri Xoosh


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.