Maanta Duhurnimaddii Ayay Ahayd Markii Kulan Qaddo Ah Ay Wadda Yeesheen Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed Iyo Saraakiil Sar Sarre Oo Ka Tirsan Xisbiga Muqaafidka Ah Ee Kulmiye.
Ujeedadda Qadaddan Ayaa Daba Socotay Ka Dib Markii Maalintii Shalay Ahayd Lagaga Adkaaday Golaha Dhexe Axmed Muumin Seed, Wallow Uu qaadacay.
Xisbiga Kulmiye Ayaa Todobaadkii Ugu Dambeeyay Waxaa Uu Si Hoose Ula Shaqaynayay Sidii Uu Guulaysan Lahaa Axmed Muumin Seed Oo Ay U Arkayeen In Aanu Wax Caqabad Ah Ku Lahayn Xisbigooda Haddiise Uu Soo Baxo Musharaxa Hadda Guulaystay Uu Kulmiye Ku Keenayo In Gobolka Awdal Laga Xoog Bato, Taasina Waa Ta Keentay In Si Adag Loola Shaqeeyo Musharaxa Guul-daraystay.,
Dhinaca Kale Wararka Uu Helaayo Hangoolnews Ayaa Shaaca Ka Qaadaya In Markii Maanta La Wadda Qadeeyay La Isla Soo Qaaday In La Sameeyo Nidaam Duulimaad Loogu Qaado Xisbiga Waddani Oo Xifal-Tan Xoogani Ka Dhexeeyo Kulmiye
Wararkuse Ma Xaqiijin Duulaanka Siyaasadeysani Sidda Uu Noqon Doono.
Geesta Kale Xisbiga Waddani Ayaa Si Toosa Iyo Si Dad-Banba Ula Socoda Dhaqdhaqaaqa Axmed Muumin Seed Ka Dib Markii Shalay Si Badheedha Daaqadda Ugu Tureen.
Ilaa Shalay Shacabka Ayaa Aad U Hadal Haya Halka Ay Ku Dambayn Doonto Siyaasadda Saddex Geesoodka Ah Ee U Dhaxaysa Waddani, Axmed Muumin Iyo Kulmiyaha Kabar-Yeeriga Ka Dhex Ah.
Xigasho Sahan