November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyeyaal degmo cusub oo loo magacaabay Muqdisho iyo Hawiye oo ku shubtey

Gudoomiyeyaal degmo cusub ayaa loo magacaabay Muqdisho iyo Hawiye oo ku shubtey xaga beelaha kale la siiyay sadex xaafadood oo kaliya. Muqdisho ayaa matalaysa qaranka waxayna ahayd in dadku sinaadaan.

Haddaba Halkaan hoose ka aqriso liiska Guddoomiyayaasha Degmooyinka ee la magacaabay iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan:



1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane, Majeerteen
2- Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo, Abgaal, Reer Mataan
3- Gudoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale, Xawaadle
4- Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Abgaal, Cabdulle Caroone
5- Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar, Murusade
6- Gudoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Cantoobo, Habargidir, Cayr
7- Gudoomiyaha Degmada Dayniile C/wali Nuur Faarax, Murusade
8- Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumer C/llahi Xassan, Abaal, Daa’uud
9- Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid Cali, Dir
10- Gudoomiyaha Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed, Reer Xamar.
11- Gudoomiyaha Degmada Xamerweyne Cumer Shariif Maye, Reer Xamar.
12- Gudoomiyaha Degmada Xamerjajab C/wali C/llahi Maxamed, Abgaal, Warsangeli.
13- Gudoomiyaha Degmada waabari Rowdo C/llahi, Habargidir, Saleymaan
14- Gudoomiyaha Degmada Boondheere Zainab Yuusuf Wehliye, Abgaal, waceysle
15- Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Zainab Maxamuud Warasame, Habargidir, Sacad

Waxaa xusid mudan in la dhaafay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Huriwaa oo uu hayo nin kasoo jeedo Beesha Duduble iyo Guddoomiyaha Degmad Kaxda oo ay maamulaan Shiikhaal, waana labada guddoomiye ee caawa aan xilkooda la taaban.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS