16/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyeyaal kumeel gaadha oo la doortey

Baarlamaanka Cusub ee maanta la dhaariyey ayaa goordhow doortay laba Guddoomiye ee kala hogaamin doona Aqalka Sare iyo Aqalka hoose inta laga dooranayo Guddoomiyayaasha Rasmiga ah.

 Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa loo doortay Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka hoose isagoona noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage oo noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ina loo doortay inuu noqdo Guddomiiyaha KMG ah ee Aqalka Sare.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS