Boosaaso–Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in gudoomiyaha degmada Carmo Maxamed Cali Shire oo ku sugnaa magaalada xeebta ah ee Boosaaso lagu dhaawacay guri uu ka deganaa magaalada. Kooxaha werarka gaystay ayaa la sheegayaa in aan lagu guulaysan ilaa hadda in gacanta lagu soo dhigo.
Weerarka ayaa waxaa sido kale ku dhintay mid ka mid Illaalada Guddoomiyaha degmada Carmo kaasi oo ay haleeshay Rasaas ay fureen Kooxaha Weerarka soo qaaday.
Ciidamada amniga Puntland ayaa wada hawlgalo balaaran oo ay ku baadigoobayaan Kooxaha Weerarka gaystay,lamana yaqaan in Ciidamadu ay hawlgalka kuso qabqabteen dad illaa iyo hadda.
Wararkale ayaa sheegaya in bar ilaalo oo Ciidamada amniga Puntland u taalay nawaaxiga afar Iridood in iyadana lagu tuuray Bamgacmeed, illaa iyo hadda faahfaahin dheeri ah lagama hayo weerarkaas fuleynimo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay