November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyihii hore ee degmada Araabi oo saaka lagu aasay halkaas

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun waxa saaka degmada Araabi ee dawlada Somali galbeed lagu aasay gudoomiyihii degmadaas oo shalay gelinkii dambe uu ku soo booday xanuun lama filaana.



Qaasim Suleymaan Dayl ayaa mar uu u waramay Araabinews u sheegay sida degmada iyo deegaanada ku xeeran uga aradan yihiin baahiyaha muhiimka ah waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.



Bulshada qurbajoogta ee ka soo jeeda deegaanadaas ayaa ku guulaystey inay dhamaystiraan dugsiga sare ee degmada oo gobolku qayb yar ka dhisay.

Waxa aaska gudoomiyihii hore si weyn uga qayb galay dadka degmada.

ARAABINEWS