12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyihii hore ee Shabeelaha hoose C/qaadir Siidi oo dambi ku tilmaamey ka bixitaanka Marka

Gudoomiyihii hore ee shabeelaha hoose C/qaadir Siidi ayaa ka naxay ka bixitaankii ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ka baxeen magaalada Marka halkaas oo afar sano kadib ay dib ugu soo noqdeen dhiigmiiratada shabaab iyadoo dadka qaarkiis sheegayaan in Somaliya tahay mashruuc.

C/qaadir Maxamed Nuur SiidiĀ  ayaa sheegay inuu la yaabay markii uu maqlay argagixisada ayaa la wareegtay degmada Marka oo si adag lagu qabtay markii hore ee dhiigmiiratada lagala Wareegayay.

Sidoo kale waxaa uu Siidi intaa ku daray in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku tashtaan oo ay isk dul qaadaan duliga argagixisada shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS