X

Gudoomiyihii maxkamada ee madaxweyne Farmaajo eryay oo diidey xilka qaadista

Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee dawlada Somaliya ee madaxweyne Farmaajo eryay ayaa ka hadley xilka ka qaadistiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay maxkamad wax kala wada waxana muuqatey in lagu hungoobey masuulkan.



Ibrahim Iidle Saleebaan oo la hadley idaacadaha maxaliga ayaa diidey xilka ka qaadistiisa. Masuulkan ayaa ka soo cararay maamulka Somaliland hadase u muuqda inuu telfoonka u garaaci doono Muuse Biixi.

“Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Ayuu yiri Gudoomiye Ibrahim Saleebaan Iidle.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo isaga ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo inay shaqadu sideeda ku socon doonto.



Hadii Ibraahim Iidle Suleymaan uu ku adkeysto inuu weli yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxay arrintu u muuqaneysaa inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku taliyay in ay muhiim tahay hawshan in si hoose loo dhameeyo.

Ibahim Saleebaan Iidle ayaa xilka soo hayay muddo laba sano ah waxana la magacaabay xilligii Xasan Sheekh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.