X

Madaxa ururka Afrika oo walaac ka muujiyay farogelinta qaawan ee lagu hayo Somaliya

Madaxa ururka Afrika ayaa walaac ka muujiyay farogelinta qaawan ee lagu hayo Somaliya. Somaliya ayaa ku fashilantey in dawlad dhisato wixii ka dambeeyay dawladii dhexe ee reer galbeedka oo hubeynaya jufooyin ay burburiyeen qarankii.

Awoodii ciidanka ayaa meesha ka baxdey waxana bedelay horor jjufeysan oo indha la oo ilaa markii dambe ay ku soo baxeen horor kale oo diimeysan.



Dawladan Farmaajo ayaa lagu bilaabey markey sidaa u dhalateyba taas oo keentay in Somalidu difaacato dawladeeda, ayadoo laysku dayay in sumcada laga dilo lana niyadjabeyo shacabka Somaliyeed.

Madaxa Afrika ninka lagu magacaabo Musa Faki Maxamed ayaa sheegay in farogelinta shisheeye ee lagu hayo Somaliya ay dib u dhigtey la dagaalanka argagixisada iyo adeegyadii shacabka loo qaban lahaa.



“Waxaan qirayaa in faragelinta ay khatar ku tahay, guusha adkeyd ee laga gaaray howlgalka wadajirka ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, waxaan walaac ka qabnaa arrintaasi, aa muhiim in Soomaaliya ay hesho madax banaani.” Ayuu yiri Musa Faki Maxamed.

Urur diimeedyada Carabta ayaa u dambeeyay oo hadda si cad u taageersan argagixisada iyo maamul jufeedyada si loo mijaxaabiyo dawladnimada dhismeysa haba yaraato dhaqdhaqaadeeduye.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.