Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, hal ruux ayaa ku geeriyooday shan ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Guri dadkaasi ay ku jireen uu ku soo dumay.
Gobolka Shabellaha hoose, xalay ilaa maanta waxaa ka da’aayay roobab saameyn ku yeeshay deegaanka, islamarkaana Khasaare kala duwan sababay.
Hooyadii guriga ayaa ku geeriyootay guriga soo dumay, halka Shanta ruux ee kale ay ku jiraan caruur yar yar.
Dhaawacyada Caruurta ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho oo lagu daaweynayaa.
Inta badan roobabka xoogan ee da’a ayaa saameyn kala duwan reeba, iyadoo guryaha dhismahooda qadiimigi ay yihiin halis ay ugu jiraan inta badan inay dumaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay