Quraanka ayuu Rabi inoogu sheegay in ujeedada guurku yahay in aad hesho deganaasho iyo nabad taas oo aan lagu heli Karin raaxo galmood aanan fogeyn haddii ayna la socon jacayl wadajira, is tixgelin, jacayl soo jiidasho , wax wadaagid oo intuba ka mida ama kuwada jira guur midho dhalin kara oo waara. Diinta Islaamka ayaa sideedaba ah sida aan ka ognahay gunta mid eegta isku dheelitirka shay-yada.
Sideedan hoos ku qoran waxay Insha Allah xoojin doonaan guur lagu nasto:
1-Dabeecad Wanaagsan
Qofka Muslimka ah ahaa waa inuu nolosha ka fiiriyaa dhinaca wanaagsan. Waxaa oranaa ‘ Alxamdullilaah’ waxlasta oo Rabigeen ina siiyay iyo waxa aanu ina siinba.
2-Caawimada
Rasuulkeena SCW wuxuu muhiimada aad u saaray in raggu ay caawiyaan xaaskooda ama xaasaskooda, Rabigeena wuxuu inoo sheegay in haweenku yihiin nolol-wadaage iyo kuwo caawiya ninkooda. Haddii tan la raacanaya labada qofba guul ayay u tahay.
3-Aaminka
Muslimiinta rag iyo dumar waxa la faray in ay noqdaan kuwo la aamini karo ayna raacaan tusaalaha rasuulkeena SCW sidii uu u ahaa qof la aaminey.
4-Xushmad
Waxaad tixgelin heshaa markaad adigu tixgeliso waa arin kugu waajiba in aad kula dhaqanto dadkoo dhan, wayse ka sii dhowyihiin lamaanaha is qabaa.
5-Farxad
Rasuulkeena SCW wuxuu maaweelin jiray xaasaskiisa oo ciyaarsiin jiray lana ordi jiray. Waxa laga soo xigtey Caasha RC in ay ka rayn jirtey rasuulka SCW laakiin ay tiri markii aan cuslaaday uu isna iga rayn (badin) jiray. Wuxuu inoo sheegay rasuulku SCW in aan la ciyaarno xaaskeena maaweelinana.
6-Cafiska
Sida cad cafisku wuxuu ka mid yahay asbaabaha diinteena. Qofkii aan wax cafin isna lama cafinayo. Waxay ka timi Rabigeena laftiisa. Waa in aan baranaa in aan iscafino si aan u helno wada xiriir wanaagsan.
7-Wakhtiga
Wakhti wada qaata. Socda oo lugeeya. Gaadhi ama bas ama wax kale wada raaca. Booqda qof xanuunsan ajar weyn ayaa idiinku jira hadaad wada awoodaan. Wada sooma Isniinaha iyo Khamiisaha hadaad kartaan. Wada taga xajka hadaad awoodaan tani talaabo weyn oo keenaysa nolol cusub.
8-Cibaadada
Rasuulkeena SCW wuxuu tujin jiray xaaskiisa inkastoo masjidku ku xirnaa gurigiisa hadana wuxuu na oran jiray haka dhigina gurigiina sida qabuuraha ee salaada sunaha qaar ku tukada guryihiina.
RABI HA INAGU ANFACO
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay