Guurtida Khaatumo State ayaa war ka soo saartey wadahadaladii dhamaadey ee u dhexeeyay maamulada Khaatumo iyo Somaliland.
Ku: Bulshawaynta Khaatumo
Ka: Guurtida Wadatashiga Khaatumo
Ujeedo: Baaq iyo Soojeedin
Taariikh: January 21, 2017
Guurtidu waxa ay soo dhawaynaysa wada xajood kasta oo Khaatumo lagelayso cid kasta oo dani kaga xidhantahay; sida wadahadalada u bilaambmay labada maamul ee Khaatumo iyo SomaliLand, wadaxaajoddkaas oo hadafkiisu yahay nabadaynta beelaha wada dega woqooyiga Soomaalia iyo dib u hanashada iyo horumanrinta deegaamada Khaatumo.
Iyada oo ay guurtidu taageersantahay qodobada kasoo baxay wejigii hore ee wadaxajoodkaas,
Iyada oo ay Guurtidu aaminsantahay dardargelinta iyo sii wadida wada xajoodkaas si xal loogu helo arrimaha masiiriga ah ee weli taagan,
Waxa ay Guurtidu ku talinaysa qodobada soo socda:
In dib loo dhigo wejiga labaad ee wada xajoodka labada maamul, oo lagu wado in uu qabsoomo bisha labaad ee sannadkan 2017, muddo laba ilaa saddex bilood sababtoo ah:
Abaaraha ba’an iyo duruufaha adag ee ka taagan deegaamada Khaatumo oo dhan, abaarahaa oo ubaahan hawl culus oo lagu badbaadinayo dadka iyo xoolaha,
Si loogu helo fursad iyo waqti lagu dhaqan gelin karo qodobadii lagu heshiiyey wejigii koowaad ee wada xajoodka,
Iyada oo lagu jiro xilli kala guur ah oo isbedello laga filayo siyaasada guud ee Soomaaliya,
In loo helo waqti lagu suurta geliyo xoojinta midnimada iyo aaya ka tashiga ummadda Khaatumo; oo ay ka qayb qaadanayaan Isimada, Culumada diinta, aqoonyahanada, dalladda qurba joogta Khaatumo iyo cid kasta oo aan looga maarmayn arintan masiiriga ah,
In la qabto shir wada tashi, iyadoo lasoo sheegi doono meesha iyo waqtiga shirkaasi ku qabsoomi doono insha Allaah.
Shirkani ma bedelayo shirkii ay hore ugu baaqeen Isimadu, ee waa shir reer Khaatumo kaga tashanayaan arrimaha siyaasadeed ee taagan,
Waxaa la filayaa in shirka lagu magacaabo guddi wada xaajood oo joogto ah, oo ay ummadda reer khaatumo ku kalsoon tahay oo dhamaystira wada hadallada u bilaabmay KH & SL, kuwa kalena lafuri kara ciddii kale oo Khaatumo wada hadal la gelayso.
In Golaha dhaqanka Khaatumo looga dambeeyo dawrkooda dhaqameed ee tariikhiga ah,
Waxaan ugu baaqaynaa bulshaweynta Khaatumo inay u midoobaan si ummadda looga smata bixiyo abaaraha dalka aafeeyey una ilaashadaan maamulka loo dhisay xaqiijinta karaamadooda iyo sharaftooda.
- Magaca Xubnaha Guurtida Wadatashiga ee Saxiixay
- Dr. Cali Ciise Cabdi (Ex-G11)
- Dr.Cabdulkariim Xassan Jaamac (Ex-G11)
- Cali Xaaji Cige (Ex-G11)
- Nuur Maxamuud Gaas (Ex-G11)
- Cabdirashiid Macallin Faarax (Ex-G11)
- Col. Axmed Maxamed Cabdi Shukry (Ex-G11)
- Maxamed Siciid Cumar (Ex-G11)
- Abshir Cawil Cabdi Dhiif – Gudoomiyaha Guurtida
- Maxamed Cabdiraxman Xaaji Ibraahin – Xubin Guurtida
- Maxamed Jibriil Yusuf – (Gudoomiyaha KDO)
Dhamaad
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay