12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Guusha Asad way noo fiican tahay: Yuhuuda oo qiratey in laga adkaadey

Yuhuuda ayaa qiratey in laga guulaystey argagixisadii ay taageeri jireen oo xataa ay ku daawayn jireen isbitaaladooda. Wasiirka xagjirka ah ee arimaha dibedda ayaa sheegay in guusha Asad ay u fiican tahay Yuhuuda.



”Way noo muuqataa in madaxweyne Asad guulaystey dalkuna ku soo noqonayo sidii uu ahaan jirin intii argagixisadu ka faaiideysan Khalkha siyaasadeed oo dawladu dhamayn lahayd.

Sanadii 2011 ayaa kacdoon la socda kan carabta waxa bilaabay kooxda akhwaan Muslimiin oo taageeri ka helaysa Turkiga. Kooxdan ayaa dawlada Siiriya hore uga guulaysatey.



Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa iyaguna soo hubeeyay urur diimeedyadooda ayagoo dadka ku kiciyay Shiicaan la dagaalamaynaa laakiin kufsi ku bilaabay haweenkii Siiriya ee u qaxay Urdun.

Dadka Siiriya ayaa dareemay in dalkoodii ka hoos baxay burburna ku socdaan waxayna bilaabeen inay hoos ula heshiiyaan dawlada. Yuhuuda ayaa dhinaceeda hub siin jirtey argagixisada Sucuudigu taageero.



Ugu dambeyn waxa dagaalka soo galay Ruushka taas oo keentay guusha Asad iyo badbaadinta dalka Siiriya. Guushii ugu dambeysay ayaa dawladu gaartey markey sadex gobol oo dhaca Koofur galbeed Siiriya ay is dhiibeen argagixisadii Yuhuudu taageeraysay.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS