Inkastoo ay jiraan dad reer Awdala oo laga biilo Hargeysa haddana saldhiga Boorama wuxuu ka mid yahay meelaha lagu xidho dad la tuhmey oo aan dambiyo gelin uuna xidho basaaska weyn ee SNM u fadhiya Boorama.
Ujeedada weerarkii xalay wuxuu ahaa in la tuso gooni goosadka in kacdoonku weerari karo xilligey rabaan iyo goobta ay rabaan iyadoo marnaba ujeedadu ahayn in shacbiga reer Adal wax loo gaysto.
Weerarkii xalayna ujeedadiisu waxay ahayd taasi. Askarta daacada u ah gooni goosadka ayaa durba ay soo wajahdey cabsi iyadoo basaaska weyn ee Boorama u fadhiya Siilaanyo Cabdoo Aayar u durba dalbaday in ciidanka Ingirriisku tababaray ay ilaaliyaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS