X

Hadaad maraakiibtayada weerarto waxaad helaysaa jawaab kugu haboon: Dayib Erduqaan

Madaxweynaha Turkiga ayaa digniin culus u direy Faransiiska iyo Giriiga oo shalay markab saliid ka baadhaya xeebaha Turkiga dul mariyay laba diyaaradood oo ay leeyihiin ayagoo dhoolatus la wada Giriiga.


ā€¯Waxaan filayaa inaad jawaabtaas haysato hadaad weerarto maraakiibtayada waxaad helaysaa jawaab kugu haboon ayaa Dayib Erduqaan u sheegay madaxweynaha Faransiiska iyo kan Giriiga.

Turkiga ayaa heshiis uu la galay koox ka talisa Liibiya ku baadhaya saliid biyaha u dhexeeya sadexda dal ee Giriiga, Masar iyo Liibiya inkastoo markabka Turkigu direy uu hadda u dhowyahay xeebaha Turkiga.


Turkiga ayaa joojiyay baadhista saliida markii Jarmalku ka codsaday laakiin haddana dib u bilaabay markii heshiis ay kala saxiixdeen Masar iyo Giriigu.

Dhawaan ayay ahayd markii ay isku dhici gaareen maraakiibta Faransiiska iyo Turkiga laakiin waxyar kadib ay dib u gurteen kuwa Faransiisku. Intaas kadib Faransiiska ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay diyaarado iyo markab dagaal gaynayaan badda Giriiga iyo Turkiga si ay u taageeraan Giriiga.

Dayib Erduqaan ayaa dagaal Muslimiin badan ku dhinteen ka ridey Liibiya waana meesha Carabta iyo wadamada kale uga soo horjeedaan. Si kastaba ha ahaatee lama filayo inuu dagaal dhexmaro Turkiga iyo Faransiiska waase jug-jug meeshaada joog.


Sawirka hoose waa markabka Turkiga ee baaraya saliida xeebaaha Giriiga iyo Turkiga

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.