X

Ma cusba xiriirka Imaaraadka iyo Yuhuuda ee maxaa soo kordhay: WARBIXIN

Xalay ayaa xagjir Taram sheegay inuu xiriir dhex dhigay Imaaraadka Carabta iyo Yuhuuda oo awalba lahaa xiriir qotodheer laakiin ahaa mid qarsoonaa. Waxaad is weydiin kartaa maxaa faaiido ugu jirta Imaaraadka oo la aaminsan yahay kuwa xukuma inay Yuhuud ka soo jeedaan asalkooda.


Ma faaiido mise khasaare ayay ku qabaysaa

Imaaraadka oo ah dalyar laakiin ku fadhiya saliid aad u farabadan qaasatan gobolka Abu-dabay waxay samaysatay cadowyo ay ku jiraan ururka akhwaan muslimiin ee Masar iyo Iiraan.

Laakiin heshiiska ay cadaysatay ee ay la gashay Yuhuuda haba yaraatee wax faaiido oo ugu jirta ma jirta, uma soo kordhinayso amni dheeraada oo ka badan intey awal haysatay.

Yuhuuda oo rabtey inay wax ka cunto lacagta Carabta ayaa heshay fursad dhaqaale oo weyn oo alaabaheeda uga iibsan karto Carabta ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Marka xiriirka Imaaraadka iyo Yuhuuda maaha wax cusub ee keliya dibedda ayuu u soo baxay. Taram wuxuu raaciyay inuu Yuhuuda ka joojiyay inay goosato dhulka Falastiinta heshiiska awgeed, taas oo ah ciida ku qarin. Heshiiskan waxa keliya oo uu wakhtar kale u leeyahay Taram iyo saaxiibadiisa Yuhuuda ee Maraykanka oo ku faani doona inay Carabta soo xero geliyeen.

Yaa cambaareeyay heshiiska Yuhuuda iyo Imaraadka.

Waxa heshiskaas markiiba cambaareeyay kuna tilmaamay khiyaano Turkiga oo isaga laftiisu xiriir qotodheer la leh Yuhuuda. Marka waa munaafaqad inuu kaba hadlo xiriirka Yuhuuda iyo Imaaraadka.


Yaa wadada ku soo jira

Xagjir Taram ayaa sheegay in dalal kale oo weyn ay wadada ku soo jiraan taas oo uu ula jeedo Sucuudiga oo isna sida Imaaraadka sanado badan xiriir fiican la lahaa Yuhuuda. Kuwa xukuma Sucuudiga ayaa laftooda la sheegaa inay Yuhuud ka soo jeedaan.

La yaab maleh xiriirada hadda saxaafada laga sheegayaa ee awalba wey jireen.

Qadiyada Falastiin miyay bureysaa mar haddii Carabtii ay walaalaha ahaayeen Yuhuuda ku yaacday waa maya ayuu qabaa Xuseen Warsame ee dib u habayn ayay galaysaa.


”Heshiisku keliya wuxuu xoojinayaa xornimo doonka reer Falastiin ee ma yaraynayo ayay tiri Iiraan. Xiriikan cusub ayaan wax awooda ku kordhinayn Imaraadka iyo Sucuudigaba markay noqoto Iiraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.