X

Hadda salaanta iskama qaadno horjooge Siciid Deni: Axmed Karaash

Ku xigeenka horjoogaha Butlaan Axmed Karaash ayaa qarxiyay waxyaalaha uu ku kacay Siciid Deni ee keenay inay hadda salaanta iska qaadi waayaan ay ka mid tahay inuu xaruntii ay kuwada shaqaynaayeen uu keensaday wiilkiisa uuna ku bedelay mid aan anigu keensaday.


Maamulkan ayaa waxa burburtey kale dambeyntii waxana cad in horjooge Siciid Deni aad u yaraystey Axmed Karaash iyo waxa uu qaban Karo ama samayn Karo haddana loo baahan yahay in loo gurmado ayuu qabaa Cali Calasow. Waa jufo jufo kale u xoog sheeganaysa ayaan ku tilmaami karaa.


Fadhiidnimada maamulka ayaa laga dareemayaa deegaanada maamulka ayadoo sheekada ugu badan ay tahay halka khilaafkan ku dhamaan doono. Horjooge Siciid Deni ayaa qirtey inuu jiro is-mari waa laakiin uu la tashadey Axmed Karaash isaguna leeyahay awooda.


Waa arin u taala saaxiibada uu Siciid Deni ee sheegta mucaaradka inay xaliyaan ayuu Ku daray Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.