X

Hadda waan qosli karaa: Gabdhaha iyo ilkaha dabarka leh

Waxaan shalay ogeyn inay jireen gabdho bilaabay sidii gaalada inay faruuryaha weyneeyaan ayagoo ku duraya irbado laakiin hadda waxay jeclaadeen dabarka. ”Hadda waan qosli karaa ayay tiri gabadh ilkaheeda ku buufiyay daawo casaysa.


Dabarka oo la sheego inay dadkeena degan gobolada qaar uu kaga dhaco ilkaha maadaama ay cabaan biyo ay ku badan tahay nooc ka mida macdanta ayaa caadi loo arkaa dhulkeena.

”Maanta ayay ugu roon yihiin ayuu yiri Cali Calasow mar hadday wax ka jira dalkeena ay isku buufiyaan intii ay sun ka timaada dalal kale isticmaali lahaayeen.


Gabadha iyadu dooratey inay isku buufiso casaynta ayaa kahir isticmaali jirtey qalin, inkastoo ay sheegtay inay xasaasiyad ka qaatey. Dhaqaatiirta ayaa ka digaya dawadan casaysa lafteeda inaan la garanayn aafada ay ku reebi karto ilkaha oo gabdhuhu deystaan dabiiciga ay ku dhasheen.


Waxa laga baqayaa in ganacsiga noocana oo hadda Muqdisho ku eg inuu ku faafo gobolada dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.