X

Uhuru oo xalay sii daayay aqoonyahan uu afduubtey

Waxa xalay xoriyadiisa dib u helay aqoonyahan C/wahaab sheekh C/samad oo la xaqaiijiay inuu afduubkiisa qayb ku lahaa wasiirka kowaad Maxamed Xuseen Rooble oo ku magac dheer Gunti Giijiye iyo Uhuru.


Aqoonyahankan ayaa labadan nin u xidhnaa muddo 10 cisho ah. Waxa sii deyntiisa xaqiijiyay afhayeenkii hore ee barlamaanka Kiiniya Faarax Macalin. Qoyskiisa ayaa sheegay inay warbaahinta kala hadli doonaan sii deyntiisa.

Uhuru iyo booliiskiisa ayaan welli si rasmi uga hadlin sii deynta aqoonyahanka ay ku cuneen markii hadalo taageersan madaxweyne Farmaajo uu ka yiri idaacadaha dalka iyo weliba idaacada Ingiriiska ee BBCSOMALI.


Maaha markii ugu horeysay ee aqoonyahanada iyo xitaa booliiska Somalida ahba lagu ugaarsado Kiiniya. Waxa dhawaan Uhuru qaarajay aqoonyahan iyo weluiba haween.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.