X

Haddii la rarayo madaxtooyada Somaliland hala geeyo Boorama

Haddii la rarayo madaxtooyada Somaliland hala geeyo Boorama. Haddii maamulkan la magac baxay Somaliland la wada leeyahay oo sida magacu yahay dhulkii Somaliyed ee Ingiriisku yimi waa in Boorama loo raro.


Muuse Biixi ayaa raba inuu raro aqalkii Morgan una raro Xaraf oo Hargeysa ka tirsan, goleyaasha maamulka ee harayna u kala qaybiyo jufooyinka ISAAQ ee Hargeysa si haddii dagaal u dhaco qolaba u sheegato inay haystaan qayb.

Boorama ayaa lagu sheegaa hooyadii dhistey Somaliland hadana waa geri go’an leh hal wado oo dadku wax ka soo degsadaan waana ta keentay in magaaladu leedahay dhowr nin oo baayacmushtar oo waxooga haysta inta kalana beerka u jiifaan.


Aroosyada ka dhaca Hargeysa kama dhacaan Boorama waxana keenaya dhaqaalaha ku ururey hal magaalo, ayadoo weliba ay u raacsan tahay garoon diyaaradeed oo dawladii Somaliyeed u dhistey inteyna burburin.

Dhalintii gobolka ayaa u xoogsi yimaada Hargeysa halkii shaqooyinkii gobolka ee dhaqaalaha lahaa ay beesha dhexe isku balaadhisay, waxa soo harayna ay yihin qolfoof.

Madaxtooyada gobolkan Woqooyi waa sida ay ugu fiican tahay in BOORAMA laga dhigo taas oo beelaha ISAAQ u ah dhexdhexaad, kana dhigeysa in mamulkan ugu yaraan hal rukun u yaalo meel aan Hargeysa ahayn.


Hargeysa aya Ingiriiskii ka dhigtey magaalo madax si uu u baabiiyo Saylac iyo Boorama. Waxana halkaa ka sii waday oo sii dhisay dawladihii Somaliyeed, ilaa dadkii iyo magaaladiiba sii kordheen halka awal ay ahayd tuulo cidla halka magaalooyinka camirbaayeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.