X

Haddii Sucuudigu nala shaqayn waayo dilka Jamaal xag kale ayaan uga gudbaynaa: Turkiga

Haddii Sucuudigu nala shaqayn waayo dilka Jamaal xag kale ayaan u gudbeynaa. Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga oo Maraykanka jooga ayaa quus ka taagan wada shaqayn la’aanta iyo beenta Sucuudiga ee dilkii Jamaal Khashowqi.


Turkiga ayaa sheegay in ay bixiyeen dhamaan macluumaadka loo baahnaa ilaa hadana Sucuudigu diidan yahay inuu tuso meydka Jamaal Khashowqi oo si xun loogu diley qunsuliyada Turkiga, lana aaminsan yahay in biyaha la raaciyay.


”Khaati ayaan ka taaganahay sida Sucuudigu ilaa hadda ula dhaqmayo dilka ka dhacay Turkiga. Waxa dad badan isweydinayaan waxa Qaramada midoobey ka qaban karto ayadoo Sucuudigu uu dabada ku hayo Yuhuuda iyo Maraykanka.

Gacanku dhiigle Maxamed Salmaan ayaa bixiyay lacago malaayiin doolara si uu u aamusiiyo Yurub oo ahayd wadamada kaliya ee xorta ah ee qaylada badiya marka dembi ka dhaco wadan ayna dani ugu jirin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.