November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

A Pakistani Muslim prays for tsunami victims during the Friday noon prayer at a mosque in Islamabad, 07 January 2005. Pakistani people observed "Yom-e-Dua or "Prayer Day" across the nation to pray for the victims of the tsunami disaster, which has claimed so far 165,000 lives after it devastated the Asian coastline on 26 December 2004. AFP PHOTO/Jewel SAMAD

Hadii soon lagugu leeyahay ma niyoon kartaa in aad raaciso lixda cisho ee Shawaalka?…JAWAABTA

Haddi soon lagugu lahaa bishan Ramadaan ee maanta 29 ah siduu doonaba hakaaga tagee ma raacin kartaa oo ma u niyoon kartaa in aad raaciso lixda cisho ee Shawaalka. Waa suaal aan hordhignay culimada diinta waxayna noo soo direen jawaabta,,jawaabtaas oo u qorneyd sida soo socota iyo waliba mabhabyada ogol iyo kuwa kale ee iyagu qaba fikrado ka duwan.

Xukunkan ayaa culimadu ku kala qaybsan yihiin laakiin maadaama Somalidu raacdo madhabka Shaaficiga, culimada Shaaficigu waxay leeyihiin HAA hal niyo ku soomi kartaa soonkii kaa tagey iyo lixda Shawaal halka qaarna leeyihiin waa in ay ahaataa laba niyo dabcan niyada laguma dhawaaqo.

Waxay culimada Shaaficigu ku doodayaan haddii qof masaajid yimaado salaada jamaca kahor oo uu tukado sunaha ka horeeya duhurka wuxuu helayaa ajarkii sunaha salaanta masjidka iyo sunaha duhurka ka horeeya.

Dhinaca kale culimada kale ee madhabyada kale ayaa iyaguna qaba fikrado taas ka duwan maadaama uuna jirin xadiis si toosa u abaaraya arintan,,ayaa iyaguna waxay qabaan in aan la isku dari karin oo ay fiican tahay in labada GOONIDOODA loo kala soomo laguna dari karin soon qale ah oo farad ah iyo lixda Shawaalka oo ah sune.

Waxayna tilmaameen in ajar wayn ku jiro haddii aan la isku darin labada soon ee midba iskii loo SOOMO.

Hadaba qofka soonku ka tagey ayay u taalaa oo ikhtiyaarka leh midkii uu raaco iyadoo aan midna loo qabsanayn oo hal niyo ku soomi karo soonkii dhaafay iyo lixda Shawaal haddii uu kalana uu GOONI GOONI u soomi karo.

ARAABINEWS.COM