November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Hal qof oo ku geeriyoodey isku soo bixi Kulmiye ee shalay

Hal qof ayaa ku geeriyoodey isku soo bixi Kulmiye ee shalay. Wiilkan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdifataax Maxamed Baaruud ayaa Geeriyooday, ka dib markii sida la sheegay uu ka dhacay Gaadhi bas-caasi ah oo uu ka mid ahaa Taageerayaal la socday.



Marxuum Cabdifataax ayaa Alle ha u naxariistee markii uu Gaadhiga ka dhacay ku Geeriyooday isla halkii uu kaga dhacay.

Lama sheegin Khasaare kale oo ka dhashay Isku soo bixi Xisbiga KULMIYE ka sameeyay Caasimadda Hargeysa.

 



Isku soo baxa uu Hargeysa ka sameeyay Xisbiga KULMIYE shalay oo ahayd Maalintii u dambaysay Ololaha Doorashada, ayaa Culays badan ku keenay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha, maaddaama oo ay badnaayeen Dadka iskugu soo baxay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS