X

Halista ay leedahay kheyraadka dalka oo reer galbeedka faraha loo geliyo

Dawlada Xasan Culusow ayaa is dhaafisay heshiis dawladii hore la gashay shirkad cusub oo loo aasaasay kheyraadka dalkeena lagana leeyahay Maraykanka, ayadoo kuwo horena haystaan qiyaas ku saabsan baaxada shidaal ee dalka.


Haddaba maxaa ka dhalan kara in kheyraadka dalka ee baaxada balaadhan in dhamaantood gacanta loo geliyo reer galbeedka qaasatan labada ugu xun ee Maraykanka iyo Ingiriiska iyo kuwa ku hoos jira.

Waa ta koowaade waa kuwii qaybta weyn ku lahaa burburka dalka waana kuwa hadda qaybta ugu weyn ku leh in dalku aanu helin dawlad cagaheeda ku istaagta sida cunaqabatayn joogta ah.


Waxay toos ula shaqeeyaan cadowga dalka oo iyagu kow ka yihiin. Marka in kheyraadkii dalka gacanta loo geliyo waxa dalku iibsanayaa markale madax banaanidiisa ayuu qabaa Cali Calasow.



Kheyraadka dalku wuxuu rabaa dawlad adag oo ilaalisa kana ilaalisa cadowga gudaha iyo kan dibedda, Dastuurka gaaladu inoo qortey uma adeegayo diinta dalka iyo danta shacabka waana in meesha laga saaro.

Sidaasi darteed waa in kheyraadka dalka ay gacanta ku haysaa dawlad adag oo iyadu keenaysa cida u shaqaysnaysa kadibna eryi karta.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.