X

Ruushka oo u sheegay Ingiriiska in la waayi doono haddii uu

Sirdoonka Ruushka ayaa ogaaday in Ingiriisku faraha la galayo halista nukliyeerka asagoo Yukrayn ka caawinayo waxa loogu yeero nukliyeer wasakha oo halis geliya ciidanka Ruushka. Wasiirka difaaca Ingiriiska oo ka amar qaata Maraykanka ayaa isla markiiba wacay dhigiisa Ruushka beeniyayna inay halis sidaasa kala shaqaynayaan Yukrayn oo ah meel ay ku adeegtaan.


Wasiirka difaaca Ruushka ayaa sheegay inay taasi tahay sii holcin colaada ay hadda reer galbeedku kula jiraan Ruushka ayna ka jawaabi doonaan haddii nukliyeer wasakha lag weeraro ciidankiisa. ”Ingiriiska waa la waayi doonaa hadduu faraha la galo arimo la xiriira dagaal nukliyeer ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Ruushka.

Milatariga Ruushka ayaa Yukrayn kula dagaalaya reer galbeedka oo dhan ilaa haddana waa dhaqaajin la’yihiin. Dagaalka ay hadda kula jiraan Ruushka ayaa intiisa ka dhaca magaalooyinka dhexdooda taas oo ay adag tahay in laga saaro Yukrayn ilaa guryaha dhan la dumiyo.

Rashiid Ceekaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.