X

Halista ay leedahay roob dhalin laga bilaabayo Somali galbeed

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa maalmo dhaweyd sheegay inayy roob ka curiyeen deegaano hoostaga Oromada iyo Axmaarada, waxana uu sheegay in hadda u fidin doonaan gobolka Somali galbeed.


Ayadoo sancadan adduunka ka jirtey mudada dheer laakiin hadda ay soo gaarayso wadamada ay ku jirto Itoobiya iyo gobolka Somalida ayaa laga digey farsamada ay isticmaalayaan halista ay u leedahay deegaanka iyo dadka.

Sun nabaad guurin karta carada


Masuuliyiin u hadlay dawlada Somali galbeed oo ku faraxsan sancadan cusub ayaan ogeyn halista ay ku keenayso deegaanka iyo dhul beeraadka u baahan biyo saafi ah oo kimiko aan la socon.

”Sancadan roob dhalinta ama daruur maalida ayaa dhowr nooca tan laakiin Itoobiya isticmaalaysaa waa mid duug ah oo daruurta RABI ee cad curiye diyaarado ku buufinayaan, waana curiyaha iyo biyihii oo is wata waxa dhulkii nadiifta ahaa ku soo da’aya ayuu yiri Cali Calasow oo la socda noocan.


”Marka curiyahaas uu dhulka iyo beeraha la falgalo wuxuu keeni karaa aafo xun oo wax u dhimi karta dadka iyo deegaankaba ayuu raaciyay Cali Calasow halka ay jiraan  noocyo kale oo ka nadiifsan. Khuburada gaalada ayaa iyaguna ka digey halista ka dhalan karta.

Maraykanka


Waxaad is weydiin kartaa waxa Maraykanku ugu bakhtiin waayay dhirtiisa gubata xilliyada kulaylaha. Waxa la ogaaday in sumaha lagu darayo daruurta barafka ah ay halis keenayso.

Nooca Imaaradku isticmaalay

Waxaan ognahay in nooca uu isticmaalay Imaaraadku uu yahay kan korontada la adeegsanayo sidaana daruurta lagu maalayo weliba huurku jiro halka noocan gaboobay ee lagu tijaabinayo dhulkeena uu yahay mid curiye lagu buufinayo waana halka khatartu ku jirto.



Waxaa wanaagsan in la darso aafooyinka hore ee curiyahaas u gaystey dhulkii hore loogu isticmaalay ee lagu tijaabiyay inta aan loo soo gudbin carada dihan ee gobolka Somalida.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.