X

Indheer-garatadu maxay ku macneeyeen cayda fuleynimo ee cajuus Baydan

Waxa baryahan ka soo hadhay madaxweynaha da’da jooga ee dalkaasi Maraykanka cay uu caayo madaxweyne Buutin. Waxa uu yiri waa mooryaan waana dembiile, waxa ka sii dambeysay maanta oo uu marka kale ku tilmaamay dad-qal u baahan in xukunka laga tuuro.


Jawaabta tii hore ee ka soo baxday Ruushka ayaa ahayd mid xeel dheeranimo ayagoo ku tilmaamay waxa ka soo burqanaya inay ka keentay daal iyo waxa uu ku hadlayo oo aanu garanayn.


” Marka hogaamiye awal isku haystey inuu waxtari karo hadda is arkay in dalkiisu cidla joogo waad fili kartaa hadalada noocana ayu yiri Xuseen Warsame. Waxay muujinaysaa fuleynimo waayo wuxuu ogyahay inayna waxba qaadi karin ee keliya sugaan xilliga uu madaxweyne Buutin uu dareemo inuu gaaray guusha ayuu raaciyay.


Madaxweynaha Faransiiska oo isna wax ka yiri caydan shaqsiga ee cajuus Baydan ayaa sheegay inuuna isagu isticmaaleen erayo noocaasa haddii aan rabno inaan xalino arinta Yukrayn. Waxayse u muuqataa inuu rabo inuu arinta sii kiciyo.

Madaxda Maraykanka ee u qora khudbadaha cajuus Baydan ayaa sheegay inayn ku jirin laymahaasi cayda ee qaxootiga hortooda ka jeediyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.