X

Halka la dejinayo ciidan lagu soo tababaray dalal uu dishoodey Kooro oo dood ka timi

Sida aan wararka ku helnay ciidamo dowlada tababar ugu dirtay dalalka Jabuuti iyo Sacuudiga oo laga helay kiisas farabadan ee cudurka Koorada aya dalka ku soo noqdey waxana doodi ka dhalatey halkii la dejin lahaa.


Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xalay sheegtay in aysan yeeli dooni in garoonka oo hadda ka socota hawsha dhamaystirka laga dhigo xarun lagu takooro ciidanka.

Waxa ay sheegtay wasiirka in aan lala socodsiin qorshahan garoonka looga dhigayo xarun karantiil, waxa ayna tilmaanay in aysan waxba kala socon masuuliyiin garoonka kormeeray iyadoona tilmaantay in lagu xadgudbay shaqadeeda.


” Ka yeeli meyno masuuliyada ayaana na fareysa ka dowlad ahaan iyo shacab ,guddiga kahor taga Cavid-19 aad ayey idinkaga qaldan tahay ee dib isugu laabta,garoonka Muqdisho maahan goob loo cayimay xarun karaantiil, tan kale garoonka waxaa waardiyeeya boqolaal ciidamo booliis ah” ayey tiri Wasiirka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in garoonka sidoo kale ka shaqeeyaan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyo dad kale oo ajaaniib ah oo maalin kasta shaqo u taga, waxa ayna cadeesay in garoonka uusan noqon karin xarun karaantiil.


Guddiga kahor taga Kooro ee dowlada magacawday ayaa horey u sheegay in isbitaalka Martiini noqonayo xarun lagu takooro dadka uu ku dhaco cudurka Kooro iyo kuwa laga shakiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.