X

Taram oo Hindiya codsi u direy

Madaxweynaha Maraykanka Taram oo dalkiisu la raadsan yahay cudurka Kooro ayaa Ka baryay Hindiya inay sii daydo dalab daawo oo Maraykanku lacagtiisa bixiyay laakiin Hindiya welli fasixin.

Taram ayaa aaminsan in daawada lagu daaweeyo kaneecada ay daawo ka tahay cudurka Kooro inkastoo dadka oo dhan aan wada qaadan Karin.


Dhaqaatiirta Ruushka ayaa sheegay in daawada loo yaqaan Hydrochloroquine lagu daaweyn karo qofka qaba Kooro inta aan lagu xirin hawo-siiyaha.

Waa markii sadexaad ee Taram uu sheego in daawadaas tahay tan lagu daaweeyo laakiin haddana uu Ka gaabsaday inuu liqo iyadoo aan dhaqtar u qorin.


Maraykanka oo awood sheegan jirey ayaa hadda qayb Ka boobka daawooyinku iyo qalabada caafimaad, waxa soo baxdey fadeexado badan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.