Shalay ayay ahayd markii la helay gaari is-jiida oo qaboojiye leh oo ay ku jiraan 39 qof oo la garanayn halka ay ka yimaadeen oo meyda. Waxa la qabtey dirawalka is-jiidka xamuulka ah waxay oo isagu Ka soo jeeda wadanka Ayrlaan.
Baadhitaan ilaa xalay lagu jirey ayaa booliiska Ingiriisku sheegay wadanka ay ka soo jeedaan 39-ka soo galooti ee sida nasiib xumada ah ugu geeriyooday qaybta is-jiidka ee gaarigan xamuulka ah.
Booliiska ayaa sheegay inay dhamaantood Ka soo jeedaan dalka Shiinaha. Waxa lagu Kala sheegay in 8 ka mida dadkaas ay ahaayeen dunar halka 31-ka kale ay ahaayeen rag.
Waxay dhamaantood u dhinteen qabow. Khadkan tahriibka ee la fuulayo is-jiidka ayaan ahayn wax cusub mana ah markii ugu horeysay ee dad Shiine ah ku dhintaan. Sanadii 2000 ayay ahayd markii si sidan la mida ay u dhinteen Shiine gaaraya 58.
Sawirka hoose waa nooca is-jiidka ee lagu hoobtey
Dawladaha Bulgaariya, Ayrlaan iyo Ingiriiska ayaa xaqiiqo raadin ugu jira goobta saxda ah eed Ka soo fuuleen is-jiidka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay