X

Halkee ku dambeysay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtey garoonka Muqdisho

Halkee ku dambeysay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtey garoonka Muqdisho. Lacagta la qabtey ayaa ku dhaweyd 10 milyan oo doolarka Maraykanka waxana la qabtey xilli la gudbinaayay.


Xilligaa wixii ka dambeeyay waxa Imaaraadku sheegay in lacagtaas ku socotey ciidanka Somaliya gaar ahaan kuwa Puntland oo ay sheegeen inay iyagu biilayeen.

Hadaba wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaayay arintaasi ayaa sheegay in lacagtaasi welli ku jirto KEYDKA dawlada Somaliya.


Mar la weydiiyay waxay u wareejin waayeen lacagtaas ayuu sheegay inayna jirin xiriir sidaa u buuran oo xilligaan ka dhexeeya dawlada Somaliya iyo Imaaraadka.

Wasiir Axmed Ciise ayaa ku adkeystey in dhibku ayna ahayn lacagta ku jirta keydka qaranka laakiin ay tahay in laga wadahadlo farogelinta dalka lagu hayo.


ā€¯Lacagtu haku noqoto sifo sharci ah ayadoo ku timi sifo sharci daro ah ayuu ku nuux nuuxsadey wasiir Axmed Ciise Cawad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.