X

Halkuu ku dambeeyay markabkii jirifka ahaa ee gooyay xariga internetka badda Somaliya

Halkuu ku dambeeyay markabkii jirifka ahaa ee gooyay xariga internetka badda Somaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay horay u sheegtay in Markabka Sharikadda iska leh lagu magacaabo MSC Alice baaritaana ay ku socoto. Markabkan ayaa hanti Somaliyeed guranayay.

Markabka ayaa hadda ku xiran Dekadda lagu magacaabo Alang ee Xeebta Galbeed ee Dalka Hindiya halkaas oo ay sidoo kale qudhiisu ku socoto farsameyn.



Markabkan oo la sameeyay Sanadkii 1998ddii ayaa habeenkii Axadda 24kii June jiiray Fiilada Internetka siisa bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya taas oo sababtay in 23 maalmood Internet la’aan noqoto koofurta Dalka.



Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Lacagaha khasaaraha ah ay ku dallacan tahay Sharikadda Markabkaas iska leh oo ay iyada bixineyso haddii ay diiddana la tiigsan doonaan sharciga Caalamiga ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.