Halkuu marayaa dib ula soo wareegista furaha Somaliya iyo kan internet-ka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshihii Soomaaliya ay kula soo wareegi lahayd furaha 252 iyo internet-ka.
Wasiirka Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa xubnaha Golaha Wasiirada u sheegay in Wasaaradiisa ay dadaal wadaan.
Waxa uu sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada ka hor sheegay in heshiisyo hormarineed ay la soo galeen Hay’addo caalami ah.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa sheegay in wasiir Canshuur uu wado dadaalkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gacanta loogu soo gelin lahaa furaha 252 iyo internet ka guud ee Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS