November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Hankiisa & Himiladiisa Haldoor Pro Qaasim Sh. Ibrahim Tubeec: Qalinkii Maxamed Maxamud Shirdon

Dhamaan waxan Salaamayaa, Guud ahaan Umada Muslimiinta Marka Xigta waxan Salaamaya Qawmiyada, Somaaliyeed ee  ( Allah SWT)  ku Uumay ama ku Abuuray Geeska Afrika  Calanka ay doonaan ha Huwanaadeene.

Xukuumada ay doonaana ha Hoos Tagaane  marka Xigta waxan Salaamayaa Dalka kan Somaliland ugu Danbayn waxan si wayn u Salaamayaa Umada ku Dhaqan Gobolada Galbeedka Somaliland  Dhamaantiin waxan idinku Salaamay  Salaanta Islaamka ayna iksu Salaamaan Dad Samaha u Saaxiibka ahi Asalaamu Calaykum  warxma Tullaahi Tacaalaa wa Barakaatuhu.  

intaa Dabadeed waxa Mahada koowaad iyo ta Labaad leh (Allah SWT) ina Abuuray ee uu Wanaaga Gabi ahaatiiba u Sugnaaday Adduunkan Korkiisana inagu Khalqay Luuqadaha aan ku wada Hadlayno iskuna Fahmayno  Midabada kala Jaadka ah Qaaradaha ama Wadamada aan ku kala Suganahay Diimaha Bulshooyinku kala Aaminsanyihiin Dhaqanada kala Duwan ee la kala Aaminsanyahay Dhamaan waxa Mahadeed leh (Allah SWT) hadana Kowmkan Noocyadiisa sidaa u kala Duwanyihiin is Waafajiyay .

                                ***** Marka xigta Qoraalku ama Hadalku Meel kasta oo laga Hadli ama Mar kasta oo Degal wax lagu Daabaci  Haddii uu Bilaa Afeef Noqdo waxay la Micno tahay Hadhuudh Bilaa Iidaan ah markaa aan Afeefto  Eedi ha iga Hadhee .
 
                                ***** Adduunkan aan Wakhti Xaadirkan ku  Abuuranahay ama aan ku Suganahay 2016 Qofka banii, Aadamka ah ee wax Bartay ama ayuuna waxba Barane Aqliga u Saaxiibka ahi waa inuu  gartaa waxa uu u Noolyahay Hanku waa wax ka mid ah Nolosha Qofka Banii,adamka ah
Walaw lagu kala Duwanyahay lana kala Hanwaynyahay Hankaaga oo aad Meel sare Gaadhsiisa waxay la mid tahay Sharaftaada oo aad kor yeeshay ha ku Fakarin Mar walba in uu Hirgalo Hanka aad Leedahay ama Himiladaadu Laakiin Adiga la kaalay isku Daynimadii aad Waydid ama aad Heshide  in Badan ayaa Diinteena Xanifka ah la inoogu Sheegay inuu Hanku wax Wanaagsan yahay ( Allah SWT ayaa leh i Waydiista wax wayn Aniga ayaa idin Siine.)  
 
                              ***** Haddii aan Dhinaca kale ka   Eegno.  (Nabi Muxamad SCW  Asaxaabtisa Markiii uu la Hadlayay Waakii ku Lahaa  Maad ka Garaad Yartihiin  Islaantii Reer Banii Israa,iil Nabi Muxamad SCW Marnaba ma Ahayn Qof Abaal laawe ah
Wuxuu usoo Martiyay ama uu usoo Dhaxay  Nin Acraabiya ama Reer Miyi ah Ninkii si Wacan ayuu ka Yeelay Dabadeed wuxu ku Yidhi Makka Iigu kaalay oo Igaga Daba Kaalay Markaas ayuu Ninkii ka Daba Tegay Muddo ka dib wuxu Yidhi i
Waydiiso waxa aad Rabto Ninkii waxa uu Yidhi waxa aan Rabaa Dhawr Riyo iyo oo aan Maalo iyo Hal Geela oo Safar  marka aan u Baxayo aan  Gaadiid ka Dhigto waa la Yaabay Rasuulkii CSW waxa uu ku Yidhi Armaad wax kale i Waydiisanaysaa wuxuu ku Yidhi Maya  markaa ayuu Rasuulkii Allah SWT ku yidhi Siiyaa waa la siiyay Ninkii intii u Dalbaday  Rasuulkii  CSW .
ayaa yidhi markuu Xaalku halkaa Marayay Hadalkii aan Qoraalka ku Bilawnee ahaa maad ka Garaad Yartihiin Islaantii Reer Banii Israa,iil Ahayd Markaasay Asaxaabtii ku Yidhaahdeen Rasuul Allaw Waamaxay Islaantaa Reer Banii Israa,iil ?
Wuxu ugu Jawaabay   Markii uu Fircoon Dhulka Qabsaday ee ay Muuse iyo Asaxaabtiisii Israa,iil ka Baxayeen ayay Baxeen Dabadeed waxa ay Waayeen Wadiiqadii  ay mari Lahaayeen ama Dariiqii ay Dhulkaa ay ka Haajirayaan uga Bixi
Lahaayeen Mid Asaxaabtaa Muse CS la Socday ka Mid ahaa ayaa Yidhi wax Baan Xasustay  Nabi Yuusuf  CS ayaa Igu Yidhi Haddii Dhulka kan Dad kali Yimaadaan isla mar Ahaataana Shirkigu ku Bato Maydkayga ha kaga Tagina ee Iga
Qaada markaa waxa uu Dariiqu Inooga Lumayaa Waxay ila Tahay waa Inaan Yuusuf Maydkisa soo Faqnaa Isla mar Ahaataana Qaadnaa oo aan Baladka kan Xumaaday aan ka Qaadnaa  Waayo Dardaarankiisii ayaa Sidaa Ahaa waxa la is  Waydiiyay ayaa Og ama Garanaya  Halka uu ku Aasanyahay Yuusuf Markaa la is Waraystay ayaa  waxa la Ogaaday inay Islaan Da,a ah oo Reer Banii, Israa,iil ahi  Kaliya Garanayso Meesha uu ku Aasanyahay Nabi Yuusuf Islaantaa ayay u
Tageen Muuse Asaxaabtiisii oo Wada Socotaa waxay ku Dhaheen noo Sheeg Meesha Yuusuf ku Aasanyahay Islaantii waxay ku Tidhi Nabi muse waan idiin Sheegayaa Laakiin Adiga Muuse ii Ballan Qaad inaan Janada Macaaga Noqon Doono
Allahna SWT ii waydii  Heshiiskii Sidii ayaa lagu Galay Muusana waa u bBallan Qaaday  inuu Islaantii Janada Allah SWT u Waydiiyo markii ayaabay Tustay iyadna Mesha uu ku Aasanyahay Nabi Yuusuf CS) .
Markaa Ninkaa Acraabiga ah iyo Islaanta Reer Banii israa,iil sidaa ayay u kala Han Sareeyeen  waxan ka wadaa  Dulucdayduna Tahay Hanku waa shay aad u Muhiima Maalinta Aad Han haba Yaraadee aad Yeelan  Waydoo waa Maalintaa maalinta Jirintaankaagu Halis ku Jiraa Bulsho Walbana Waxay wax ku Tahay inta wax ay Garato Isla mar Ahaantaana waxay ay Fahanto iyaga oo Shagaar ama Dheeh uga Dhigaya Han Heersareeya iyo Himilo Wacan  waxba Yaanan Gaaf Wareegina aan usoo Gundo Dego Gundhiga Qoraalkayga.
 
                                          
                              ***** Waxay ahayd 24/12/15  waa Gabo gabadii Sanadkan aan sii Jeedkiisa aan sii Arkayno Madashu waa Baladka Baraysan ee Borama  ee xarunta Gobolka Awdal Malahaygana is idhi waa soo diga Rogashadii xubno kasoo Baxay
Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Talada Dalka haya  Meesha waxa ku Sugnaa Haldoorkii Xisbiga  Wadani ha ugu Horeeyo Siyaasi Seed , Pro Qaasim ,Buubaa iyo Marwo Faadimo Siciid  Maalintaasi waxa uu ka Dhawaajay Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga  Wadani Hadalo isoo Jiitay Anigana Shaqsiyan Meeshii u Cuncunasay ii Xoqay waa Hadal Milgo Sare leh
Waanan ka Filayay inuu Hadalka ku Hadli Doono iyo Waliba wax ka Wayn Waayo Pro Qaasim waxan Ogahay Dadnimadisa iyo Damiirkiisa Xalani Heerka uu Gaadhsiisanyahay Bal aan Idinka oo Raaliya Akhristayaal Hadalkiisii oo Qoraal ah aan Idiin soo Gudbiyo si aad iila Dhuuxdaan Weedhaha uu ku Hadlay siday u Milgo Sareeyaan waan Ogahay oo
waan Hubaa Shaqsigii Caqliga u Saaxiibka ahi inuu Garan karo Sida ay ii Taabatay iyo si kasii Saraysana ay u Taaban Doonto waa Hadii Caqli Saxa uu ku Eego oo ka Fayaw Caadifad Akhris Haboon (( Waxa loo Baahanyahay inaan ka
Fiirsano Sanadka Danbe ama ta Danbe ee aan Iskugu Iman Doonno in ay nu u Tartano Madaxwayne madaxwayne ku xigeen waa aynu kasoo Daalnay  wax aan Jecelahay inay  Tani inoogu Danbayso  oo aan Madaxwayne ku Dhaqaajino  wax aan u Malaynayaa Hadalada waa la iga hor Yidhi inaan Dad wax ka Sheegana ma Jecli  Maanta Sharaf Darada Kaliya ee inagu Dhacday Haddii aan Magacaabo Madaxwayne ku xigeenkeenu Wakhtigu wuu u Banaanaaday Maanta Sharaftu waxa ay ahaan Lahayd Qofna ha Helee inuu  Madaxwayne u Ordo  yaa Maanta Sharafteenu ahayd  Habase Ahaatee waan la Shaqaynayaa Nin  Walboo Xor Ahina waa inuu Dadnimadiisa ilaashaa Xoriyada aan Ilaashano Asalaamu Calaykum Waraxma Tullaahi Wabarakaatuhu.))
 
 
                       ***** Waxa aan Filayaa Marka ay Sidaa Xaaladu tahay inaan wax Yar is yara Tusno oo marka in wax la Sheego loo Baahanyahay kama Maarano  Taariikh ama Dhacdooyin lagu Salaynayo ha Dhawaato ama ha Dheeraatee Marka hore Aniga oo ka Cudur Daaranaya Ragga aan Halkan Hoose ku Xusi Doono iyo  Pro Qasim Sh.Ibrahim Tubeec way ii  Simanyihiin Laakiin hadana Garawshiyaha iyo inaad Xaqa ka Badheedhaa waa wax aad u Haboon Allah SWT  Cimrigiisa ha Dheereeyee Xildhibaanka xildhibaanada Axmed Yasin Sh Cali Ayaanle Weedhihiisa mar walba Waxa ka mid ah Af aan Garaabin Islaam kuma Yaal ana waxa aan leehay waa Halkiisiye Af aan Garaabin Islaam Kuma Yaal Haddii aan Maanta Keena sida Wacan ee Wanaagsan u Hadla Qiri wayno Dhamaanteen Sidaa ayaan u Wada Dansanaanaynaa  waxa Muhiim ah in Qof walba loo Daayo Laguna Ixtiraamo waxa uu Gayo iyo waxa uu Galo waxba yaanu Qalinku ila Taraarixine waxan  Filayaa 21 kii sano  ee u Danbeeyay iyo Waliba in ka Badan Somaliland Madaxwayne ku xigeen ayay kasooo Ahaayeen Gobolada Galbeedku Marka laga Reebo 8 Sano ee Rayaale Maamulayay    maxaa Diiday Nin Badheedha oo Doorasho Dhigta oo Hankiisa Hilaaca ka Cadeeya Dalka kani Cid Gaara uma Afduubno Qofkuna waa inuu Masiirkiisa ka Badheedhaa waxa Jirtay C/raxmaan Aw cali Faarax ayaa ku Xigeen soo ahaa Daahir Rayaale ayaa ku xigay Saylici ayaa Maanta Jooga waa wax laga Xumaado Waan Ogahay inay Qaarkiin is Waydiinayaan Sawkii  Rayaale Madaxwayne kasoo Noqday ma Agmarsani ma waxa uu ahaa Madaxwayne Tartamay mise mid Dumaalay Kursiga Runta Haddii aan Sheegno waxa uu ahaa Nin Dumaalay Kursiga oo Dumaal ku helay waan Ogahay hadana Mar Labaad inaad is Waydiinaysaan Sawkii Doorasho Dhigtay ee ku Guulaystay Maya Maya Maya Taasi waxa la Odhan Karaa Xal ayay ahayd ee Xaq Maahayn Doorasho waa Maanta oo kale Ninka  3 daa Xisbi Qaran  inta uu iska soo Sharaxo Guulaysta ama Waaya kaa ayaa la Odhan karaa wuu Guulaystay ama waa laga Guulalystay isku daya Dadkaygoow inaad Siyaasada Baal Dahab ah ah ka Gashaan inaad Dad Firfrcoon ku Noqotaan waxan Xasuustaa Nin walba oo Aduunkan Korkisa ku Nool  oo Caqliga u Saaxiib ah Hadal ayaa laga Qoraaye Aqoonyahanka aqoonyahaniinta Afka Somaliga ku Hadla Dr Pro Axmed Ismaaciil Samatar: ayaa   yidhi Murti Dhaxal Gal ah oo Ahayd  ( Waxan Greece hore kasoo Gaadhay ma  aha Hadda kuwan  imika Economy Crises ku Dhacay ee Mudaharaadka uun ku jira kuwii Xikmada u Saaxiibka ahaa laba Uunbaan Siyaasada Galin Xoolaha iyo Ilaahay. )  waa Runtii oo Allah SWT uma Baahno Siyaasad oo waa kii Adduunkan Dhamaantii Abuuray  oo Isaga ayay Mar walba Taladu Xagiisa Jirtaa Xoolahana waa Mashaahidiin ama Ma yeedhaan ma gali Karaan Siyaasad Markaa Hadalkani waxa uu ku Socdaa Dadka Goboladan Galbeedka Dega AllahSWT  horta Cid Noqon kartaa ma jirto dee Adhi, Geel ama Lo,na ma tihiin Gala Siyaasada oo Dadka qayrkiina wax la  Qaybsada  Waliba Idinka oo Han Sare leh Walaalayaal .
 
            
          
                                                                  Guntii &Gabagabadii.
 
 
                                              ***** Waxan kusoo Gunaanadayaa Qoraalkan Mar walba oo aan Qoraal Noocan ah  aan Diyaarinayo Aniga oo ka Fiirsaday ayaan Qoraa Waxan wax iskugu Sheeganaynaa mar Walba waa Wada Dhelashada Dadkaygii aan Jeclaayoow waxan Idinkula Talin lahaa Mar walba iyo Meel walba oo aad Joogtiin Hankiinu ha Sareeyo Himaladiinuna ha Fogaato mar Walbana isku Duubnidiina ku Dadaala taa ayaa Horumarkiina Dhaw iyo Kiina Dheeriba ku jiraa   taas ayaa Farxad ku Naaloon Kartiin Adduunka Korkiisa waxan idin Leehay Fadhigan Fadhi ha Looga Noqdo .
 
 
                                    
                                                                Guul &gobanimo.
                                 
                               
                                                                Nooli kulantee.
 
                         
                                                       Qalinkii: (M.M.Shirdon)
                                 
                                                                Switzerland .