Hanti dhowrka Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo hadda noqdey codka shacabka Somaliyeed ayaa eedeyn ba’an u jeediyay R/wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda waqtigeedu dhammaaday isagoo sheegay inay mas’uul ka yihiin khaladaadka Miisaaniyadda.
Wuxuu sheegay un miisaaniyadda sanadka 2017 ee Golaha wasiirada ay shalay ansixiyeen ay tahay mid sharci darro ah oo marka hore loo baahan yahay in la saxo khaladaadka ku jira iyo xisaab xirkii miisaaniyadii sanadihii 2015 iyo 2016 oo weli la keenin.
Hanti dhowrka ayaa caddeeyay in Miisaaniyada 2017 loo ansixiyay si qudbo siro ah la baal mariyay sharciga isagoo arrintaasi kala hadlay R/wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka maaliyadda,taasoo mas’uuliyadeeda ay qaadayaan Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte.
Miisaaniyadda ayaa la sheegay inay dhan tahay 201 milyan oo doolar sanadkan 2017, iyadoo wasiir Fargeeti sheegay inay diyaariyeen iyadoo wax ka bedel lagu sameeyay miisaaniyadii hore.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay