X

Hanti dhowrka qaranka oo soo farogeliyay maqaaxida tiyaatarka

Hanti dhowrka guud wuxuu digniin u diray cid kasta oo ka tirsan hay’addaha dowladda, oo isku dayda in ay heshiis baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dawliga ah ku maamusha hantida qaranka. Hadalkan ayaa soo baxay xilli la hirgelinayay maqaaxida tiyaatarka.


Wasiirka warfaafinta yaa sheegay inuu hakiyay arintaasi oo hadda tiyaatarku noqon doono goob bilaa maqaaxi ah sida uu sheegay raiisal wasaaruhu.


War-saxaafadeed kasoo baxay hanti dhowrka ayaa lagu faray wasiirka warfaafinta inuu si degdeg ah u soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo heshiiskii ay wasaaraddiisu la gashay shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay dhulka tiyaatarka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.