X

Hargeysa oo lagu arkey arin ku ugub ah

Qaar ka mid ah shirkadaha sameeya qalabka dhismaha ayaa magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay albaabada guryaha lagu xidho oo uu si cad ugu muujisan yahay Saliibka kiristaanka.

Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada Magaaladda Hargeysa ayaa uga digay bulshada somaliland in ay guryahooda ku xidhaan albaabadan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay xaaraan tahay in wax kasta oo astaan u ah dadka kiristaanka ah lagu arko dadka muslimiinta ah dhexdooda.

Hore ayaa waxa uu sheekh Aadan Sune uu uga hadlay Dhismaha masjid ay magaaladda hargeysa ka hir gelisay hay’ad caalami ah oo daaqadihiisa lagu xidhay wax u eeg saliib, Albaabka lagu dhajiyay caalamada saliibka u eeg ayaa ah albaab lagu xidhayo xarun cusub oo loo dhisayo ciidamada Badda Somaliland.

Meelaha sidoo kale lagu arkay caalamadaan waxaa ka mid ah dhisme cusub oo loogu talo galay ciidanka Ilaalinta xeebaha maamulka Somaliland ee magaalada Hargaysa sida uu sheegay Sheekh Aadan Sunne.

Hadaba arrintan ayaa ah mid ugub ku ah dhulka Somaliland Iyo Diinteenta Islaamka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.