X

Dawlada Somaliya oo sheegtay in ay baarayso xasuuqii Kiiniya ka gaysatay Ceelcade

Dawlada Somaliya oo aad ula daahdey ayaa hadda sheegaysa in ay baarayso xasuuqii ciidanka Kiiniya ka gaysataty deeganka Ceelcade ee gobolka Gedo halkaas oo dadka Somaliyeed lagu garaacay diyaarado aan garanayn cida ay weerarayaan.

Ciidamada KIINIYA ayaa l;agu xasuuqey Ceelcade waxayna cadhadii kula dul dhaceen dadka deegaanka Ceelcade ee aan iyagu waxba dhimin horena ay dhibka ugu hayeen argagiisada shabaab.

Kiiniya ayaa hada ka baxday Ceelcade waxana wararku sheegayaan in dhiigmiiratada shabaab rabaan in ay dib ugu soo noqdaan iyo goobo kale oo u dhawaa deegaanka Ceelcade.

Guddi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Diini ayaa xaqiiqo raadin u tagaya deegaanoka Ceelcade.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.