Mid ka mida jaamacadaha ugu fiican dalkaasi Bakistaan ee caafimaadka gabdhaha ayaa lagu arkaa in ay aad uga badan yihiin wiilasha marka aad fiiriso wadanka oo dhaqan ahaan ayna haweenku xor u ahayn noloshooda, intooda badana ay ku qaataan guriga xataa caruurnimada. Gabdhahan ayaa marka la soo saaro natiijada imtixaanadka waxay safka hore kaga jiraan lambarada koowaad iyo labaad.
Wakaalada dawlada Bakistaan u qaabilsan caafimaadka ayaa sheegtay in boqolkiiba 70 ardayda dhigata caafimaadka ay yihiin gabdho..waxase laga sii yaabay in gabdhaha sidaas u badan ay u dhigtaan dhakhtarnimada ujeedo kale oo dalku la ciirciirayo dhaqaatiir la’aan.
Bakistaan waxay ka mid tahay wadamada ugu musuqmaaqsuqa badan aduunka sidaas darteedna kama jiraan dhaqaatiir tayo leh inta badana dadku waxay ku dhintaan darbiyada dhaqaatiir la’aan awgeed.
Gabdhahan ayaa maadaama ayna si xora u baxayn una soo noqonayn waxay doorbideen in ay shahaadada dhakhtarnimada ku raadsadaan guur. Jaamacadaha dhaqtarnimada waa meesha kaliya ee aad arki karto in haweenku ay awood ku leeyihiin isla markaana ragu aad ugu yaryahay.
Mid ka mida dadka ku shaqaysta guurka ayaa sheegay in aad loo raadinayo gabdho dhaqaatiira oo uu hadda hayo ilaa 20 nin oo guur doona oo raadinaya gabdho soo bartey dhaqtarnimo. Taasi waxay keentay in gabdhuhu ay ka buuxsamaan jaamacadaha dhaqtarnimada.
Wuxuu kaloo intaas raaciyay in hadii wajigeedu qurxoon yahay ay dhici karto in markaasba hore laga guursado. Hooyooyinka Bakistaan ayaa wiilashooda u raadiya gabadh ay ilma adeer yihiin tii aan reerkoodu lahayn ilma adeerna waxa ku dhacda dhibaato weyn oo guur la’aan.
Wakaalada dawlada u qaabilsan caafimaadka ayaa hadda leh waxaan soo rogeynaa sharci sheegaya in jaamacada caafimaadka dadka galayaa ay noqdaan boqolkiiba 50 wiilal boqolkiiba 50-na gabdho..Waxase taas diidey gabdhaha oo sheegay in ay tahay wado kale oo lagu xanibayo socdaalka gabdhaha.
Nin isagu looyara ayaa sheegay in mashaakilku aanu ahay in la xadido tirada galaysa jaamacadaha ee mishkiladu ay ka taagan tahay in ayna jirin deegaan fiican oo gabdhuhu ku shaqo tagaan iyadoo inta badan la caayo gabdhaha waxbartey.
Gabadh iyadu ka mida kuwa ku jira jaamacada ayaa sheegtay in waxbarashada kadib ay ka shaqayn doonto isbitaalada ama furan doonto dhaqtar iyada u gaara taas oo ay raacisay in ay ogolaansho uga qaadatay waalidkeed oo uu ku jiro walaalkey oo ah kan inta badan go’aansada waxa ay qabanayso iyo halka ay tagayso maadaama dhaqankoodu yahay mid haweenaydu ilaaliso sharafta qoyska.
Waxa ku badan Bakistaan dilalka aan diinta shaqada ku lahayn ee loo yaqaan ”sharaf dhac” waxase jira jiil cusub oo iyagu gebi ahaanba la socda casriga ayay tiri gabadh waraysi bixinaysay oo aan jeclayn in la takooro gabdhaha.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM