09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haween khaati ka istaagey dariiqii ay marayeen oo saxaro loo buuxiyay oo ulo qaatay dalkaasi Hindiya+SAWIRO

Bixaar–Dalkaasi Hindiya waxa bilaa musqula in ka badan nus bilyan qof oo intooda badan isticmaala meel kasta oo ay ku qabato saxarada iyo kaadiga. Haween ku nool gobolka Bixaar ee Woqooyiga dalkaasi ayaa iyagu hadaba khaati ka joogsaday wadada lagu saxaroodo waxayna sameeyeen in ay isbahaystaan oo dadka ka celiyaan in wadada ku saxaroodaan.

Haweenkan ayaa ulo dhaadheer la istaaga wadooyinka iyagoo sii dhaweynaya dadka maqribkii la fadhiisanaya wadada qarkeeda saxarada.

Hindida oo intooda badan faqiira ayaa saxarada la fadhiista biyaha socda, godadka wadooyinka ka agdhow, luuqyada la maro iyo meelkasta oo firaaqo ah iyadoo dalku ciriiri la yahay dad badni, waxayna noqotey in nadaafad xumo looga guuro meelaha qaar.

Raiisal wasaaraha Hindiya ayaa isagu bilaabay qorshe uu musqulo ku dhisayo dalkoo dhan si loo yareeyo dadka ku saxarooda biyaha, wadooyinka iyo luuqyada.

Haweenkan oo markii hore ahaa 4 haweena ayaa markii dambe noqdey 12 haweena, waxayna tuulada ay degan yihiin oo ay ku noolyihiin 275 qof ayna lahayn wax musqula. Mar wax laga waydiiyay waxa ku kalifay ayay sheegeen in caruurtu cudur ka bixiwayday.

Waxay habeenkii lug ku socdaan wadooyinka tuulada iyagoo halkaasi ulo wata dadkana u sheegaya in ay saxarada la tagaan beeraha.

Waxa la sheegayaa in ay jiraan tuulooyinkale oo kaga dayan doona sida haweenkani yeeleen inkastoo dadka tuuladu ugu caroodeen.

_82692075_7[2] _82692078_11[1] _82692201_8[2] _82692206_2[1] _82692208_3[1]

Rashiid Ceelaanyo, ka mid noqo saaxiibada Araabinews/facebook

ARAABINEWS.COM