X

Haween sita sawirada madaxda dalka iyo horjoogaha Butlaan oo banaanbaxay: SAWIRO

Waxa magaalada Gaalkacayo ka dhacay banaanbax ay dhigeen haween sita sawirada madaxda qaranka iyo horjoogaha Butlaan oo ka cabanaya dhalinyaro ku jira jeelasha dalka Cumaan.


Dhalinyarada xiran ayaa loo heystaa tuhun la xiriira inay ka tirsan yihiin Kooxaha Budhcad badeeda Soomaalida, waxaana la sheegay inay dhibaatooyin kala duwna ku heystaan Xabsiyada.


Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Eheladooda ah ay mudo ku jiraan Xabsiyada dalka Cumaan, isla markaana 5 ka mid ah ay u geeriyoodeen xaalad Caafimaad darro.


Waxay ka codsadeen Madaxda Dawladda dhexe iyo horjoogaha Buntlaan inay si wadajir ah uga wada qeyb qaataan sidii dhalinyaradaas xoriyadooda u heli lahaayeen.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.