X

Iiraan oo dhulka soo dhigtey diyaarad nooca aan la wadin yaase leh

Ciidanka difaaca cirka ee Iiraan ayaa sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca aan la wadin ah oo ku soo xadgudubtey hawada dalkaasi. Waxay soo bandhigeen gantaalaha lidka oo dhulka soo dhigaya.


Inkastoo mugdi uu ku jirey muuqaalka haddana waxay sheegeen saraakiisha ciidanka in burburka diyaaradaas ay ka soo aruuriyeen goob biyo fadhiisin ah oo ku taal Iiraan.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka Iiran ee difaaca cirka ay dhulka soo dhigaan diyaarad uu cadowga leeyahay. Saraakiish   u hadashay Maraykanka ayaa iyagu sheegay inayna ka maqneyn diyaaradi.


Yuhuuda oo iyadana wax laga weydiiyay inay lumiyeen diyaarad ayaa ka gaabsaday inay wax ka yiraahaan. Waxa cadaatey in diyaaradaas ahayd mid Yuhuudu ku tijabinaysay awooda raadaar ee dalkaasi Iiraan.


Waxaan halkan ka fahmi karnaa in fashil uu ku yimi Yuhuuda iyo Maraykanka mar haddii Wahaabiyada Sucuudiga ayna awoodin inay ganto diyaarado aan is wadin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.