Doorasho adag ayaa maanta ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis waxaana lagu tartamay kursiga labaad Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga.
Kursigan oo ahaa kursi ay haween kaliya ku tartamayeen ayaa ahaa kursiga qoondada Haweenka ee Beesha Bandhawow oo ka mid ah beelaha banaadiriga.
Saddex haween oo ku tartamayay kursigan ayaa waxay kala ahaayeen Fahmo Axmed Nuur oo kursigan difaacaneysa, Tuuma Cusmaan Nuur, waxaa tartanka ka hartay Caasha Maxamed Xuseen.
Labada Musharax ee isku soo haray tartankan oo kala ah Fahmo Axmed Nuur iyo Tuuma Cusmaan Nuur ayaa ahaa Ilmo adeero, waxaana kursiga ku guuleystay Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod oo ah dhamaan cododka ergadii wax dooraneysay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![banaadir-4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/banaadir-41-300x169.jpg)
![banaadir-5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/banaadir-51-300x169.jpg)







Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay