November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Haweenay ay Gedo ku dileen askar taabacsan Axmed Madoobe

Warka aan Ka helayno gobolkaGedo ayaa waxay sheegayaan in haweenay halkaa lagu diley kadib markii ciidamo taabacsan Axmed Madoobe ay rasaas ooda uga qaadeen dad banaanbax dhigaayay oo diidanaa doorashada aan cidi aqoonsanayn ee Axmed Madoobe.



Wararka ayaa sheegaya in dadka shacabka ah laysugu yeeray goob fagaare ah tuulada Ceelwaaq kadibna la amrey inay taageeraan Axmed Madoobe.



Haweenayda askartu dileen ayaa goobta laga qaaday lamana sheegin magaceeda. Dadka deegaanka ayaa aad uga carooday dilka wuxuushnimada ah ee lagula kacay hawenaydaas iyo weliba rasaasta hoosta loogu dhigey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS