X

Haweenay dumar kale xiriir la samaysay oo la soo qabtey (daawo )

Booliiska magaalada Gaalkacayo ayaa gacanta ku soo dhigey haweenay dumar kale guursatey oo xirneyd dharka ragga lana baxdey magaca Deeq halka magaceeda saxda ah yahay Deeqa. Haweenayda ayaa waxa kale oo lagu soo qabtey bastoolad ay sheegtay inay nafteeda ku ilaalin jirtey.


Waxa kale oo goobta lagu soo bandhigey qalabkii ay u isticmaali jirtey dumarka ay xiriirka la samaysay. Booliiska ayaa sheegay in welli baaritaano ku socdaan.

Deeqa ayaa qiratey eedaynta lagu soo eedeeyay, mase sheegin hadda ahaan waxa ku kalifay inay hawshan gasho. Waa markii ugu horeysay ee la arko haweenay xiran dharka ragga ayadoo hore u jireen rag xiran dharka dumarka sida argagixisada oo fuliya xasuuq.


C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS

admin:

This website uses cookies.