X

Muuse Biixi oo Hargeysa ku soo noqdey iskuna dayay inuu gool dhaliyo

Kadib safarkii uu ku tagay dalka fiqiirka ah ee Gini ee xudunta u ahaa cudurka halista ah ee Iboola ayaa horjoogaha maamulka Somaliland isku dayay inuu gool ka dhaliyo dawlada dhexe.

Safarkaas Muuse Biixu ayaa dawlada dhexe  uga faaiideysatay inay xiriirka u jarto Gini oo fiqiira ayadoo ujeedadu tahay in ay u jeedo dalal ka waaweyn oo si fiican ugu jira siyaasada Somaliyeed guud ahaan sida Ingiriiska, Imaaraadka, Kiiniya iyo kuwa la midka ah ee dalalkaasi jeebka ku wataan.


Muuse Biixi oo Hargeysa iskugu soo bixiyay taageereyaashiisa ayayna caadi u ahayn inuu lahadlo saxaafada magaalada ama awal laga saari jirey albaab kale si aan su’aalo loo weydiin, maantase wuxuu is yiri mar haddii daeladii dhexe hadashay gool ka dhali.


Nasiib daro xataa taageereyaashiisii ayaa ku hungoobay kadib markii uu sheegi wax cusub oo u soo kordgey iyo ujeedada gaysay dalkaasi tar ee fiqiirka ee dawladaha waaweyn adeegsadeen.


“Waxaan filaayay inuu wax igu kordhiyo laakiin cadceed ayaan koridhsadey waxana ii cadaatey in aanan ogaan karin wuxuu u tagey markii horeba,ayuu yiri Xuseen Warsame.

Guul waxaad sheegan kartaa marka halkii aad joogtey wax kaaga kordhaan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.