X

Haweenay ku guulaystey afhayeen ku xigeen barlamaan

Waxa la soo gabagabeeyay doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Galmudug. Waxa u tartamay labada musharax ee kala ah Maxamed Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali. Doorashada ayaa Ka dhacdey xarunta gobolka ee Dhuusamareeb.


Waxa doorashada ku guulaysatey Faadumo Cabdi Cali oo noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee qabata afhayeenimada barlamaanka.


Waxa sidaas ku soo xirmey doorashada gudoonka maamulka Galmudug ee fadhiidka ah waxana la qorsheynayaa in la doorto horjooge maalmaha soo socda. Maamulada jira ayayna midna aqoonsanayn dawladu.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.