X

Maraykanka oo qirtey askar wax ku noqotey gantaalihii Iiraan

Kadib weerarkii Iiraan ku garaacday gantaalaha saldhiga weyn ee Maraykanku ku leeyahay Ciraaq ayaa xagjir Taram markiiba sheegtay inaan cidi waxba ku noqon. Haddase waxay qirteen in 11 kaida askartooda ay dhaawacyo soo gaareen taas oo dadka laga qariyay.


Iiraan ayaa digniin sii siisay weerarka kahor taas oo yaraysay qasaaraha ka dhashay gantaalaha ay ku garaacdey. Maraykanka ayaa sheegay in askarta qaar loo qaaday Jarmalka halkaq qaarna loo qaaday Kuwayt.


Way diideen inay faahfaahin ka bixiyaan xaalada ay Ku sugan yihiin askartaas iyo nooca dhaawac ee soo gaaray. Xagjir Taram ayaa filaayay in Iiraan ayna lahayn awood ay qasaare ku gaarsiiso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.