Nayroobi–Iyadoo argagixisadu xasuuqdey 150 ardey oo aan waxba dhimin ayaa Kiiniya waxa ka jira feejignaan aan hore loo arag inkastoo taasi tahay kaliya maalmaha ugu horeeya, ayaa hadana maanta masuuliyiinta dalkaasi qabteen haweenay looga shikiyay in ay isqarxiso.
Haweeeydan ayaa waxay Axadii tagtey Kaniisadda xilli ay ku sugnaayen boqolaal ruux ayna ka soconeysay baroordiiq loo sameynaayay dadkii lagu laayay Jaamacadda Garissa, waxayna dadka ku cabsi gelisay in qarax uu dhici doono.
Haweeneydu waxay dadka ugu baaqday inay isaga kala taggaan Kaniisadda haddii kalana ay maqli doonaan qarax weyn oo waxyeelo ay ka soo gaarto.
Ciidamada Booliska oo falkaasi lagu soo wargeliyay ayaa gacanta ku soo dhigay gabadhaasi sidoo kalana waxay xabsiga u taxaabeen laba nin oo watay gaari laga shakiyay.
Booliska, ayaa la arkaayay iyagoo halkaasi ka jiidaaya gaarigii laga shakiyay. Booliska waxay dib u sii daayeen labadii nin iyo gaarigoodiii, xilli wax dembi ah lagu waayay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![114[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/04/1141.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay